DF Soomaaliya oo jawaab kulul ka bixisay weerarkii lagu qaaday Saudi Arabia

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal ay aad ugu cambaareysay weerar ay diyaarado drone ah oo sida walxa qarxa shalay ku qaadeen goobo saliidda laga soo saaro oo ku yaalla magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in falkaas uu ahaa mid argagixiso.

Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya waxa ay sheegtay in “ficilladaas fallaago-nimada ah ay u aragto kuwo halis ku ah nabadda gobolka.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay xaqiijineysaa inay si buuxda u garab taagan tahay hoggaanka, dowladda iyo shacabka Sacuudiga xilli ay wajahayaan isku day taabanaya amniga qarankooda” ayaa lagu yiri qoraalka.

Weerarkii shalay ayaa waxaa sheegtay kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen ee dagaalka kula jira Isbahaysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo.

Weerarka ayaa yimid laba maalin kadib markii Sacuudi Carabiya ay sheegtay in laba ka mid ah maraakiibteeda saliidda qaada ay “waxyeello xooggan” kasoo gaartay weerar arbushaad ah oo axaddii loogu gaystay xeebta Imaaraadka Carabta.

Hoos ka aqriso qoraalka

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com