Xog: Agaasime cusub oo loo magacaabayo Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog gaar ah ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in madaxweynaha Soomaaliya uu dhowaan beddeli doono agaasimada madaxtooyada Dr. Aamina Saciid Cali.

Aamina, ayaa waxa sida aan xogta ku helnay lagu beddelayaa nin lagu magacaabo Nuur Diiriye Fuursade, oo ay ehel yihiin xaaska madaxweyne Farmaajo, Zaynab Cabdi Macallin.

Sida ay noo sheegeen ilo-wareedyo ku sugan Villa Somalia, magacaabista Nuur ayaa waxaa aad ugu ololeynaya oo muddo ka shaqeynayey Cumar Faaruuq Cabdi Macallin oo la dhashay Zaynab Cabdi Macallin.

Nuur Diiriye Fuursade ayaa waxa uu qabaa Xuriyo Aadan Yuusuf oo habaryar u ah Zaynab iyo Cumar Faaruuq, lana dhalatay hooyadooda Bishaara Aadan Yuusuf.

Ilaa iyo hadda lama yaqaan sababta loo go’aansaday in la beddelo Dr. Aamina Saciid Cali, oo dadka ka shaqeeya madaxtooyada ay aad ugu amaaneen howsheeda iyo shaqsiyaddeeda.

Nuur Diiriye Fuursade ayaa waxa uu kasoo jeeda beesha Sacad ee Habar-Gidir oo sidoo kale ay Dr. Aamina, ay kasoo jeedo. Haddii la magacaabo wuxuu noqon doonaa agaasimihii afaraad ee madaxtooyada kadib, Cali Saciid Fiqi, Fahad Yaasiin iyo Dr. Aamina.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com