DF oo shaacisay in si qaldan loo fasiray qoraalkii ay kasoo saartay shirka Afisyoone

Muqdisho (Caasiimada Online) – Wasiir kux-igeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in fasiraado khaldan laga bixiyay warkii ay Dowladda Federaalka ku sheegtay inuu burburay shirkii Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Wasiir Kuxigeenka ayaa sheegay in hadafka Dowladda Federaalka uu ahaa inay ummadda Soomaaliyeed ku wargeliso in wadahadalada ay curyaamiyeen Madaxda Puntland iyo Jubbaland.

“Fasiraado badan oo khaldan ayaa laga bixiyay warkii ay Dowladda Soomaaliyeed sii deysay. Warka dowladda ay sii deysay wuxuu ahaa dadka Soomaaliyeed dowladda waxay ka suggayeen in ay dalka doorasho u dirto, oo dalka uu doorasho aado iyo dowladaha xubnaha ka ah. Waqti badan ayuu qaatay, jahwareer badan ayaa abuurmay, waxaan ka fursan weynay oo ku khasbanaanay in dadka Soomaaliyeed aan u sheegno meesha ay caqabaddu ka jirto, oo ah Jubaland iyo Puntland madaxdoodii inay diidan yihiin,” ayuu yiir Wasiir Alcadaala oo ka qayb qaadanayay dood ka baxday BBC Somali.

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Jubaland, Xirsi Jaamac Jaani oo doodda ku wehlinayay Wasiir Alcadaala ayaa dhankiisa sheegay inay Dowladda Federaalka tahay midda diidan in heshiis laga gaaro arrimaha doorashooyinka ee dalka.

“Shalay ayadoo la yiri hala soo wada tashto, sidii laba maalmood markuu shirka socdayba loo yiri ayuu Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday jeediyay, ka dibna intii aanba guryaha la tagin ayaa waxaa soo baxay cajalad la shiday, oo ah inuu shirkii burburay,” ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Jubaland.

Waxa kaloo uu sheegay in ujeedada shirka loo burburinaya ay tahay Villa Somalia oo dooneyso inay sameyso muddo kordhin aan sharci ahayn.

“Meesha ay shirka u burburinayaan iyo danta ay ka leeyihiin, waxaa meeshaan yaala oo calaamado waaweyn u yihiin inay raadinayaan muddo kororsi, oo ummadda Soomaaliyeed inay qalqalgeliyaan, amniga intii yareyd ee lagu soo dhaqmay iyo intii yareyd ee dhismaha dowladnimada la soo saan saaray inay u jeedaan, waxaana cadayn u ah inay taa doonayaan intii shirkaasi socday Baarlamaanka mar walba la kulminayay, oo cadaadiska laga dhigayay muusan kulmin, marka waxay rabaan in muddo kordhin la taggo, wax sharciyada lahayn.”

Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ayaa ku guuldareystay inay dalka ka qabtaan doorasho wada ogol ah, waana xilli uu dhammaaday muddo xileedka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka, doorashadana ay muddo dhaaftay.