Musharrax Daahir Geelle oo farriin culus u diray Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka midowga musharraxiinta mucaaradka oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan fashilkii ku yimid wada-hadallada doorashada ee ka socday xerada Afisyoone ee magaalada Muqdisho.

Geelle ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay dib ugu soo laabato miiska wada-hadalka, si xal waara looga gaaro khilaafka hareeyey doorashooyinka 2021-ka.

Sidoo kale wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in madaxweynaha oo laga doonayey inuu xalka raaadiyo uu ka kaco fadhiga, halkii laga rabay inuu wanaajiyo hoggaamintiisa.

“Dowladda iyadaa gogosha naga laabatay, waxaana rabnaa in ay nala hadlaan oo ay nala heshiiyaan Madaxda xafiiska joogta, Dowladdu xal baa laga rabaa balse ma ahan in ay dhahdo fadhiga waa lagu kala tagay, Madaxweynuhu ma ahan in fadhiga uu ka kaco balse waa in uu raadiyaa xalka, xalka wanaagsan waa in hoggaanka wax wanaajiyaa,” ayuu yiri.

Musharrax madaxweyne Daahir Maxamed Geelle oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay dantu ku jirto inay sii socdaan wada-hadalla, si xal looga gaaro doorashooyinka dalka.

“Haddii wadahadal culeys ku yimaada dalkana uu yahay mid dhibaato ka taagan tahay xalku waa in la isugu laabto, waana arrin dabiici ah in la is qabto balse muhiimadda ayaa ah in xal lagu dhammeeyo waxyaabaha sababay kala tagga, si looga fogaado kala tag horleh,” ayuu markale yiri afhayeenka golaha midowga musharraxiinta mucaaradka.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo lagu kala kacay shirkii ka socday Teendhada Afisyoone ee looga arrinsanayey hannaanka doorashooyinka dalka ee sanadkan 2021.