DF oo shaacisay tirada shirkadaha ku guuleystay adeega XAJKA ee sanadkan

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya Mudane Cumar Cali Rooble ayaa shaaciyay inay 63 Shirkadood ay si hordhac ah ugu guuleysteen bixinta adeega Xajka ee sanadkaan.

Wasiirka ayaa sheegay in tirada shirkadaha soo codsaday kamid noqoshada tartanka ay kor u dhaafeen saddex boqol, kuwaasi oo markii dambe lagu kala reebay khibrada iyo buuxinta shuruudaha guddiga ku shaqada lahaa.

“Waxaa kamid noqoteen 309 shirkadood oo Shan kun ee Soomaali ah oo Xujeydayda u khidmeeyan soo dalbadeen, runtii khidmadaan yarta waxa ku filneyd 5 shirkad. 63-ka shirkadood ee ku guuleystay waxay kusoo baxeen khibrada ay u leeyihiin Xajka, hufnaantooda iyo kartidoodana hore loo bartay,” ayuu yiri Wasiir Cumar Cali Rooble.

“Wey dhamaatay in Xaaji Soomaaliyeed baska la iska saaro oo la diro ayada oo shaqaale loo diyaarin. Shirkadii khidmada maanta aan dooneynay ee shuruuda aad buuxin doontan, shirkadii ka bixi weyday waxaa ku ciqaabi doona ciqaab adag oo ay muteysatay.”

Sidoo kale waxa uu sheegay wasiirka in dadka Xajinaya ay la kulmi jireen dhibaatooyin kala duwan, islamarkaana ay hadda wax badan ka badeleen kuna korjoogteyn doonaan shirkadaha ku guuleystay.

Hadalka Wasiirka ayaa imanaya xili Sacuudi Carabiya ay xayiraad duulimaad oo lama filaan ah kusoo rogtay Soomaaliya, ayada oo dadka Soomaaliya ka imanaya ka mamnuucday inay dalkaas u safraan illaa amar dambe.

Soomaaliya ayaa ku jirta liiska 16 dal oo boqortooyada ay dadkooda ka mamnuucday inay soo galaan Sacuudiga, taasi oo la sheegay inay jawaab u tahay kiiska cudurka COVID-19 oo sare uga sii kacaya dalkaas.

Go’aanka Sacuudiga ayaa ka hor-istaagaya inay dalkaas u safraan kumanaan qof oo Soomaali ah oo isu diyaarinayey inay u cumreystaan labada xaram iyo sidoo kale Xajka sanadkan oo ay naga xigto kaliya bil iyo bar.

Ma cadda xilliga uu socon doono go’aankan iyo in xayiraadda Soomaaliya laga qaadi doono ka hor Xajka oo ku beegan horaanta bisha July 2022.