DF Soomaaliya oo si kulul u cambaareysay Sweden kadib markii ay ogolaatay in…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa caddeysay mowqifkeeda ku aadan falkii ka dhacay dalka Sweden, kadib markii uu nin xag jir ah kitaabka Qur’aanka Kariimka ku hor gubay dhismaha safaaradda Turkiga ee ku taalla  magaalada Stockholm, kaas oo dhacay Sabtidii oo ay ku beegneyd 21-kii January ee 2023.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa si kulul loogu cambaareeyay falkaas oo ay sidoo kale ogolaadeen mas’uuliyiinta Sweden.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa shaaca ka qaaday in falkan uu yahay mid loogu xad gudubay xurmada diinta, sidoo kale uu kicinayo dareenka muslimiinta caalamka oo dhan.

“In la ogolaado falkan naceybka ah ee lagu aflagaadeynayo karaamada iyo qiyamka Islaamka waa wax aan gabi ahaanba la aqbali karin. Wax kale maaha ee waa dhaqan kor u qaadaya nacaybka iyo cunsuriyadda oo u adeega ajendayaasha xagjirnimada iyo argagixisada” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Sidoo kaledowladda federaalka ah ayaa ku baaqday in la ixtiraamo astaamaha diinta, lagana fogaado. hurinta nacaybka iyo colaadaha, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka.

Ugu dambeyn dowladda federaalka ayaa ka dalbatay dhammaan dalalka kale ee caalamka in ay qaataan mas’uuliyadda ka saaran ka hortagga Islaam nacaybka.

Halkan hoose ka aqriso:-

WARSAXAAFADEED

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, waxay kulul u cambaareysaaa falkii ay mas’uuliyiinta Sweden u ogolaadeen nin xag jir ah inuu ku gubo Safaaradda Jamhuuriyadda Turkiga ee magaalada Stockholm horteeda kitaabka Qur’aanka Kariimka ah Sabtidii (January 21), taasoo ka dhigan mid cad. ku xad gudubka xurmada diinta iyo kicinta dareenka muslimiinta caalamka oo dhan.

In la ogolaado falkan naceybka ah ee lagu aflagaadeynayo karaamada iyo qiyamka Islaamka waa wax aan gabi ahaanba la aqbali karin. Wax kale maaha ee waa dhaqan kor u qaadaya nacaybka iyo cunsuriyadda oo u adeega ajendayaasha xagjirnimada iyo argagixisada.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxay cadeyneysaa mowqifka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku baaqaya muhiimadda ay leedahay faafinta qiyamka wada-tashiga, dulqaadka iyo wada noolaanshaha iyo diidmada nacaybka iyo colaadaha, waxayna dib u cusbooneysiineysaa muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo astaamaha diinta, lagana fogaado. hurinta nacaybka iyo hurinta colaadaha iyada oo la adeegsanayo xadgudubka iyo qalloocinta diimaha, xurmada iyo caadooyinka Islaamka.

 

Soomaaliya waxay ugu baaqday Sweden inay qaado tallaabooyin adag oo ka dhan ah nacaybka sii kordhaya ee ka dhanka ah Muslimiinta, waxayna ku boorisay dhammaan jileyaasha beesha caalamka inay qaataan mas’uuliyadda ka saaran ka hortagga Islaam nacaybka.