Macallin Mahdi oo farriin culus soo saaray kadib weerarkii xarunta gobolka Banaadir

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha qaybta guud ee Booliska gobolka Banaadir, Gaashaanle sare ahdi Cumar Muumin oo loo yaqaano (Macallin Mahdi) ayaa farriin culus soo saaray kadib weerarkii xarunta gobolka Banaadir iyo gubashadii Suuqa Bakaaraha.

Macallin Mahadi ayaa marka hore uga mahadceliyay hay’adaha ammaanka sidii ay uga qayb-qaateen daminta dabkii habeen hore ka kacay Suuqa weyn ee Bakaraha.

Sidoo kale wuxuu uga mahadnaqay ciidamada ammaanka, sidii ay u soo afjareen weerarkaas oo saacado qaatay, laguna beegsaday xarunta dowladda hoosee ee Xamar.

Taliyaha ayaa si gaar ah u amaanay ciidamada Haramcad oo sameeyay howlgalka lagula dagaalamay xubnaha weeraray xarunta gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu ka tacsiyeeyay geerida Liibaan Maxamed Maxamuud oo ahaa sarkaal xigeen ku dhintay weerarkaas, isaga oo ku dhaawac ah u rajeeyay caafimaad deg deg ah.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:-

Fariin ka timid Taliyaha qeybta guud ee Boliiska Gobolka Banaadir G/Sare Mahdi Cumar Muumin.

Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan hay’adaha amiga dalka iyo maamulka Gobolka Banaadir sidii ay uga qeyb qaateen damintii dabkii ka kacay suuqa wayn ee Bakaaraha iyo sida ay usoo afjareen weerarkii kooxda Khawaarijta ah ee Alshabaab ku qaadeen xarunta gobolka Banaadir.

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad oo si wayn uga qeyb qaatay sidii loo soo afjari lahaa kooxdii weerarka kusoo qaaday xarunta gobolka Banaadir, waxaana uga tacsiyaynayaa dhammaan ciidanka, ehelka iyo asxaabta Sargaal xigeenkii ku shahiiday intii uu socday howlgalkaas oo lagu magacaabayay Liibaan Maxamed Maxamuud, waxaana alla caafimaad u waydiinayaa dhammaan saraakiishii iyo askartii ku dhawaacantay intii uu socday howlgalkaas.

Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa Saraakiishii iyo askartii ka tirsnayd Taliska qeybta Guud ee Boliiska G/Banaadir, Ciidanka hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo iyana qeyb ka ahaa howgalkaas iyo dhammaan madaxda maamulka Gobolka Banaadir.

Waxaan shacabka Soomaaliyeed ka codsanayaa in ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga ayna soo gudbiyaan garanwaaga ama wixii ay u arkaan in ay lid ku yihiin amniga Gobolka Banaadir.

Taliska qeybta guud ee Boliiska Gobolka Banaadir wuxuu mar walba u taagan yahay sidii amni buuxa ay u heli lahaayeen shacabka ku nool Muqdisho.