Shirka culimada Soomaaliyeed oo ka furmay Muqdisho iyo saddex qoddob oo horyaalla

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed, kaasi oo uu horay ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirkan oo ay kasoo qeyb-galeen culimo gudaha dalka iyo dibadda isaga kala timid ayaa waxa uu ku saabsan yahay doorka culimada ee la-dagaalanka fikirka xagjirka ah ee Al-Shabaab.

Culimada ayaa kulankooda dood uga yeelan doonaan dhowr qoddob oo miiska saaran, kuwaasi oo kala ah;

  1. Sharciyad ka qaadista Al-Shabaab: Sixida fahamka saxda ah ee Diinta Islaamka
  2. Sharciyad siinta dowladda: Xukunka Islaamka iyo dowladnimada casriga ah iyo
  3. Dhisidda Golaha Sare ee Culumada Soomaaliyeed: Muhiimadiisa iyo Sharciyeyntiisa.

Qaar kamid ah culimada qeybta ka ah kulankaan oo goor sii horeysay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shirkaan uu muhiim u yahay jiheynta dalka, si culimadu usoo saarto bayaan guud oo ku socda madaxda dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo shacabka.

Agaasimaha Waaxda Diinta iyo ku-dhaqanka Shareecada Islaamka ee wasaaradda Awqaafta iyo arimaha Diinta Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay in shirkaan uu kusoo beegmay waqti aad loogu baahan yahay.

“Waa shir Culimada Soomaaliyeed loo qabanayo, waa shir maslaxada guud looga hadlayo, waa shir la doonaayo in waddanka uu is raaco, si fiican isu raaco, diinta islaamkana isu raaco oo culimaduna si qeexan ra’yidooda usoo bandhigto,” ayuu yiri Sheekh Cali Sheekh Maxamuud Cumar.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Waa shir la rajeynayo haddii Alle idmo in qodobo kasoo baxaan, waana la caddeyn doonaa qodobadiisa.”

Furitaanka shirkan ayaa sidoo kale waxa qeyb ka ah mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka oo khudbado ka jeedinaya, wuxuuna kusoo aadaya xilli uu dalka ka socdo dagaal culus oo ka dhanka ah kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab.