DF oo soo saartay digniin hor leh xilli aan laga soo kabsan waxyeello hore

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SODMA ayaa soo saartay digniino la xiriira roobka gu’ga, kaasi oo la filayo maalmaha soo socda in dalka ka curto.

Hay’adda ayaa ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed in ay taxadaraan oo ay feejignadaan, si gaar ah shacabka ku nool goboladii dhawaan fatahaadaha ay ka dhufteen iyo goobaha biya mareenada ah.

Roobabka xilligan Gu’ga ee sanadkaan 2024 (sida la isku raacay) waxay dalkeena intiisa badan ka curanayaan inta u dhaxaysa asbuuca koowaad ee bisha April, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay hay’adda SODMA.

Ayada oo xoogiisu billaaban doono asbuuca sadexaad illaa kan afaraad ee isla bisha April, roobabkaas waxay sidoo kale sii socon doonaan inta lugu guda jiro bisha May ee sanadkan.

Waxay roobabkaasi intooda badan ay ka di’i doonaan qeybo badan oo dalka gaar ahaan gobolladiisa koonfureed iyo kuwa woqooyi.

Digniintan ayaa imaneysa, iyada oo roobabkii deyrta ahaa ee da’ay dhamaadkii sanadkii tagay ay sababeen daadad iyo fatahaado geystay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho, dhaawac, barakac iyo burbur soo gaaray guryo badan, taasi oo illaa hadda aysan kasoo kabsan dadka qaar waxyeelladii kasoo gaartay.