24.7 C
Mogadishu
Monday, July 27, 2026

DF oo soo saartay go’aan cusub oo ku saabsan wada-hadallada Somalilanad !

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Kaddib markii todobaadkii hore uu fashilmey wadahadalkii ergooyinka Dowladda Federaalka iyo Somaliland ku dhex mari lahaa magaalada Istanbul, ayaa waxaa War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta lagu sheegay in Dolwadda Federaalku diyaar u tahay in lasii wado wadaxaajoodka.

War-saxaafadeedka waxaa sidoo kale lagu sheegay inay nasiib darro ahayd wafdiga Somaliland inay shirka qaaddacaan, arintaasoo ah mid wax u dhimi karta heshiisyadii labada dhinac horay u gaareen.

“Dowladda Federaalka iyada oo mar walba u taagan midnimada Soomaaliya, waxay caddeyneysaa in ay diyaar u tahay wada hadal shuruud la’aan ah oo dan u ah Midnimada iyo horumarinta shacabka Soomaaliyeed oo fool-ka-fool la isu soo hor fariisto” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Maxamed Cabdi Maayeere.

Shirkii Istanbul oo qorshuhu ahaa inuu furmo 28-da bishii hore ee February, waxaa ajandeyaasha lagu gorfeyn lahaa ka mid ah arrimo xasaasi oo ay ugu muhiimsan tahay sida laga yeelayo midnimada iyo qadiyadda gooni isu-taagga Somaliland.

Ergooyinka labada dhinac ayaa ku guul dareystey inay isa soo hor fariistaan, kadib markii Somaliland shardi ka dhigtey in ergada Dowladda Federaalka laga saaro xubno -sida Somaliland ku doodeyso- deegaan ahaan kasoo jeeda dhulkeeda arrintaasoo wafdiga Dowladda Federaalku ka biyo diideen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60