26.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 8, 2025

DF oo soo saartay go’aan cusub oo ku saabsan wada-hadallada Somalilanad !

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Kaddib markii todobaadkii hore uu fashilmey wadahadalkii ergooyinka Dowladda Federaalka iyo Somaliland ku dhex mari lahaa magaalada Istanbul, ayaa waxaa War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta lagu sheegay in Dolwadda Federaalku diyaar u tahay in lasii wado wadaxaajoodka.

War-saxaafadeedka waxaa sidoo kale lagu sheegay inay nasiib darro ahayd wafdiga Somaliland inay shirka qaaddacaan, arintaasoo ah mid wax u dhimi karta heshiisyadii labada dhinac horay u gaareen.

“Dowladda Federaalka iyada oo mar walba u taagan midnimada Soomaaliya, waxay caddeyneysaa in ay diyaar u tahay wada hadal shuruud la’aan ah oo dan u ah Midnimada iyo horumarinta shacabka Soomaaliyeed oo fool-ka-fool la isu soo hor fariisto” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Maxamed Cabdi Maayeere.

Shirkii Istanbul oo qorshuhu ahaa inuu furmo 28-da bishii hore ee February, waxaa ajandeyaasha lagu gorfeyn lahaa ka mid ah arrimo xasaasi oo ay ugu muhiimsan tahay sida laga yeelayo midnimada iyo qadiyadda gooni isu-taagga Somaliland.

Ergooyinka labada dhinac ayaa ku guul dareystey inay isa soo hor fariistaan, kadib markii Somaliland shardi ka dhigtey in ergada Dowladda Federaalka laga saaro xubno -sida Somaliland ku doodeyso- deegaan ahaan kasoo jeeda dhulkeeda arrintaasoo wafdiga Dowladda Federaalku ka biyo diideen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News