DF oo WAR cusub ka soo saartay ka qeyb-galka SSC ee tartanka kubadda cagta

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa marka ka hadashay ka qeyb-galka SSC-Khaatumo ee tartanka kubadda cagta dowlad-goboleedyada iyo gobolka Banaadir

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya Maxamed Barre Maxamuud ayaa sheegay in SSC- Khaatumo ay ka qeyb-gali doonto tartanka kubadda cagta haddii ay buuxiso shuruudaha looga baahan yahay.

Shuruudahan ayuu wasiirka ku sheegay inay yihiin kuwa farsamo, ayna lagama maarman tahay in ay SSC-Khaatumo soo dhameystiro, si ay 15-ka bisha December ee sanadkaan uga qeyb galaan tartanka.

Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in SSS-Khaatumo looga baahan yahay in sida ugu dhaqsaha badan soo dhisaan xiriirka kubadda cagta SSC-Khaatumo.

Sidoo kale waxa uu meesha ka saaray in ay jiraan arrimo siyaasadeed oo SSC-Khaatumo looga reebay tartanka, isaga oo xusay inay dadaal xooggan ku bixiyeen sidii SSC uga qeyb noqon laheyd tartankan.

Waxaa xusid mudan in maalmo un kahor SSC-Khaatumo ay magacowday guddiga xiriirka kubadda cagta ee SSC, taasi oo uu sameeyay Xoghayaha dhallinyarada iyo cayaaraha SSC-Khaatumo, si ay usoo buuxiso shuruudaha.

Si kastaba, dhawaan ayay aheyd markii dowladda federaalka Soomaaliya ku dhowaaqday in ay si rasmi ah u aqoontay maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo oo fadhigiisu yahay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Mowqifka dowladda federaalka oo ahaa aqoonsiga maamulka KMG ah, ayaa dhabaha u xaareysa maamul rasmi ah, taasi oo faa’iido weyn u leh dadka deegaanada SSC-Khaatumo oo hadda dagaal kula jira Somaliland, oo hore uga arrimin jirtay halkaasi.