DF oo war kasoo saartay ciidamada la geeyey Eritrea iyo warbixintii QM

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe ayaa markii ugu horreysay si faah faahsan uga hadlay xaaladda dhalinyarada Soomaaliyeed ee tababarka loogu qaaday dalka Eritrea, kadib markii ay soo baxday warbixin sheegeysa in laga qeyb-geliyey dagaalkii Itoobiya.

Dubbe ayaa meesha ka saaray in ciidamadaasi Soomaaliyeed ay ka qeyb-galeen dagaalkii Tigray, wuxuuna xaqiijiyey inay caafimaad qabaan askartaasi oo tababar loogu qaaday dalka Eritrea, isla-markaana ay dhowaan dib ugu soo laabanayaan dalkooda hooyo.

“Ciidamada waa caafimaad qabaan waa innoo soo socdaan, waana innoo iimanayaan marka ay yimaadaan waxaan u maleynayaa in haddana la yiraahdo maxay u yimaadeen?” ayuu yiri.

Sidoo kale Dubbe ayaa tilmaamay in tababarkooda uu marayo gabagabo, wuxuuna ka digay in la siyaasadeeyo tababarka ciidamada oo uu tilmaamay inuu yahay sir qaran.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in dano gaar ah laga leeyahay arrintan, isla-markaana la doonayo in shacabka laga jeediyo xasuuqa gobolka Gedo.

“Tababarka ciidamadu waa sir qaran, siyaasiyiinta dunidana kama hadlaan tababarada ciidanka, ciidamo dalkooda u maqan oo tababarkooda u dhammaaday oo gabogabo yahay ayaa mar walbo laga hadlaa, si shacabka Soomaaliyeed looga jeediyo xasuuqa cadowga uu ka wado Gedo,” ayuu markale yiri wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Somalya.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay warbixinta la filayo inuu dhawaan soo saaro guddiga Xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay oo ku saabsan tahy ku lug lahaanshaha Ciidamada Eritrea ee dagaalka Tigray-ga, ayada oo lagu dhex xusay in ciidamo Soomaali ah ay kamid ahaayeen ciidamadii ka dagaalamay gobolkaas.

Waxa uu sheegay in warbixinta QM ee sheegaysa in askarta Soomaalida laga soo waday xeryihii ay tababarka ku qaadanayeen oo ku yaalo Eretria, kuwaasi oo la geeyey goobaha dagaalka ee Tigray-ga, ay tahay waxba kama jiraan, sida uu hadalka u dhigay.

“Warbixin Qaramada Midoobay waxay arrintaas ka qaateen Facebook-yada siyaasiyiinteena, wax cadeyn ahna ma keenin oo maqlid aheyn, wuxuuna ku daray in dowladda federaalka ay beenisay eedeyntaas,” ayuu yiri.

Dubbe ayaa siyaasiyiinta mucaaridka ku eedeyay inay kaambeyn siyaasadeed ka dhigteen arrinta dhalinyarada tobabarka loogu qaaday dalka Eretria, xili ay isasoo tareyso dhawaaqa iyo dadaalada lagu baadi-goobayo.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo saacadihii ugu dambeeyey siyaasiyiinta mucaaradka ay dowladda federaalka ku dhaliileen jawaab la’aanta ku aadan ciidamada la geeyey dalka Eritrea oo Qaramada Midoobay ay sheegtay in laga qeybgaliyey dagaalkii ka dhacay Tigray.

Waalidiinta Soomaaliyeed ee ay maqan yihiin caruurtooda ayaa sidoo kale maanta dibad-bax cabasho ah ka dhigay Muqdisho, iyaga oo dalbaday in caruurtooda dib loo soo celiyo.