DF oo war ka soo saartay shirkii ay mucaaradka ku yeesheen Nairobi + COD

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay shirkii magaalada Nairobi ee dalka Kenya ay ku yeesheen xubnaha ugu badan ee mucaaradka ku ah dowladda Soomaaliya.

Magaalada Nairobi waxaa xubnaha ku shiray ay ka koobnaayeen Siyaasiyiin, Xildhibaano iyo qaar ka mid ah Xisbiyada mucaaradka ee dalka, shirkaas oo ay kasoo sareen qodobo ay ku dhaliilayeen dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo ka qeyb galay kulan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay xubnaha ku shiray magaalada Nairobi inaysan ku fogaan mucaaradnimada.

Wuxuu wasiirka sheegay in xubnaha mucaaradka looga baahan yahay inaysan orodka ka badin mucaaradnimadooda, haddii aysan ka tanaasuleyn, maadaama sida uu sheegay ay wadaan isku soo dhawaansho shacabka Soomaaliyeed ah.

Daahir Geelle, ayaa ugu baaqay mucaaradka hanka siyaasadeed leh inay la fariistaan dowladda Soomaaliya, islamarkaana laga wada hadlo waxyaabaha la isku hayo.

Sidoo kale wuxuu sheegay inuu ku baaqayo in la fiiriyo danta ummadda Soomaaliyeed oo muddo badan dhibaatooyin kala duwan ku jirto.

Siyaasiyiinta, Xildhibaannada iyo qaar ka mid ah Xisbiyada mucaaradka ee ku shiray Nairobi ayaa qodobadii ay oo saareen waxaa ka mid ahaa inay qabsan doonaan shirweyne ay ku doonayaan inay kusoo dhisaan xukuumad Cusub ,iyaga oo ku eedeeyey Xukuumadda Soomaaliya inay fashilantay,waxaana badi ay ahaayeen kuwo xilal kasoo qabtay dowladihii hore ee dalka soo maray.

Hoos ka dhageyso codka Wasiirka Warfaafinta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com