Mucaaradka DF oo shaaca ka qaaday xilliga dowladda cusub ay soo dhisayaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in ay dhisayaan xukuumad Cusub, isaga oo ku eedeeyey Xukuumadda hadda jirta inay fashilantay.

Waxa uu sheegay hadii xukuumadda Soomaaliya ay diido ama uu qabsoomi waayo shirka Bisha Jun ee looga hadlayo maqaanka Caasimadda ay deegaano kale ku qabanayaan, sidoo kalena ay Xukuumad Cusub dhisayaan.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayuu ku eedeeyey inay ka shaqeyn weysay amniga dalka, isla markaana Shacabka Magalada dhibaatooyin horleh ay u horseeday, waxaana uu sheegay in afar qof oo heshiis ah aysan waxba qaban karin.

“Madaxweynaah iyo Ra’iisul Wasaraha waa ay isku qoslaan, Wasiiradu Ra’iisul Wasaaraha ayay u nacab leeyaan laakin dalak wax micno ah uguma fadhiyo, marka waxana talo ugu soo jeedineynaa Madaxweynaha in uu isbedel sameeyo isaga ayay talada la go’daa ayuu yiri xildhibaan Fiqi.

Xildhibaan Axmed Macalin fiqi oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ka mid ah xildhibaanada aad u dhaliilsan Siyaasada ay ku Shaqeyso dowladda Soomaaliya, waxaana lagu xasuustaa in sidaan oo kale uu u dhaliili jiray dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud.

Hoos ka dhageyso Fiqi

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com