Mooshin ka dhan ah R/W Kheyre oo la diyaarinayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyay inay diyaarinayaan mooshin ka dhan ah ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa sheegay in mooshinkaasi uu yahay mid loogu yeerayo ra’iisul wasaaraha dalka inuu ku hor yimaado baarlamaanka Soomaaliya, islamarkaana wax laga weydiin doono waxyaabaha u qabsoomay muddada uu xilka hayo.

Xildhibaan Cabdi Fitaax Ismaaciil Daahir oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa tilmaamay in qorshahaasi ay wadaan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka, waxaana uu sheegay inay doonayaan in ra’iisul wasaaraha Su’aalo badan ka weydiin doonaan xaaladda dalka.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in weli aysan dhicin in Ra’iisul Wasaare laba Sano Shaqeynayey ee aan Baarlamaanka hor-imaan,isla markaana Ra’iisul Wasaare kheyre uu horay u balan qaaday in uu hortagayo balse aysan dhicin taasina uu juhdi badan ku bixiyey.

Sidoo kale xildhibaanka ayaa sheegay inaan la aqbali karin in ra’iisul wasaaraha uu kasoo bixi waayo balamihii uu horey kaga dhawaaqay xarunta golaha shacabka, kaasi oo ahaa in bil walbaa uu hor imaan doono baarlamaanka.

Xildhibaan Cabdi Fitaax Ismaaciil Daahir ayaa waxa uu ka mid yahay Xildhibaannada aad u dhaliilsan Siyaasada xukuumadda Soomaaliya,waxaan uu ka mid ahaa Xildhibaanadii iyo Siyaasiyiintii ku shiray Magalada Nairobi.

Hoos ka dhageyso codka Xildhibaan C/Fataax

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com