DF oo war kasoo saartay GO’AANKA lagu joojiyey duulimaadyada gudaha dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa war ka soo saartay cabashada ay shirkadaha diyaaradaha ka muujiyeen badqabka garoomada dalka qaarkood ee keenay inay duulimaadyada joojiyaan.

Hay’adda ayaa sheegtay inay ka mas’uul tahay badqabka dhammaanba duulimaadyada iyo garoomada dalka, iyadoo dhanka kalena sheegtay inaanay jirin wax khatar ku ah badqabka duulimaadyada dalka gudahiisa ah.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS) ayaa sheegtay inay mas’uul ka tahay badqabka dhammaan duulimaadyada iyo garoomada dalka, iyadoo ka duuleysa qaanuunada caalamiga ah (ICAO) iyo kuwa dalkaba (SOMCARS).

“HDRS waxa ay halkan ku caddeynaysaa in aysan jirin wax khatar ku ah badqabka duulimaadyada dalka gudahiisa ah. Hay’addu waxba kama oga warqadda lagu baahiyay barraha bulshada, ayna sumadeedunu tahay Ref: AOA/008/6/2022, kuna taariikhaysan 18th June, 2022 Iyo khatarta ay ka hadleyso,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay hay’adda.

Guddiga maamulka diyaaraha gudaha dalka oo shalay kulan isugu yimid ayaa shaaciyay in laga bilaabo maanta oo Axad ah ay gabi ahaan diyaaradaha ka shaqeeya gudaha dalka ay joojinayaan shaqadii ay hayeen.

War-saxaafadeed ay si wada-jir ah u soo saareyn dhamaan madaxda Shirkada diyaaradaha ka howl-gala gudaha dalka ayaa lagu sheegay in hay’adda duulista rayidka ay ku guul dareysatay xaqiijinta amniga garoomada, taasina ay ku kaliftay in ay ku dhawaaqaan shaqo joojin.

“Shir ay maanta iskugu yimaadeen dhamaan shirkadaha diyaaradaha ee ku midaysan ururka (AOA) loogana hadlayay caqabado kasoo cusboonaaday qayba kamid ah garoomada dalka kuna saabsanaa ku kalsoonaanta amniga, ayaa gaba-gabadii waxaa la isla gartay in madaama Hay’adda Duulista Rayidku aan u muuqan mid u heelan bad-qabka diyaaradaha iyo rakaabka saaran ayaa waxay shirkaduhu go’aansadeen sidaan,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa lagu yiri qoraalka “Laga bilaabo Axadda19-ka Juun 2022-ka, in l ajoojiyay dhammaan duulimaadyadii ay shirkadaha ku tagayeen garoomada dalka illaa laga gaarayo xal badbaadin kara bad-qabka diyaaradaha iyo rakaabka saaran.”