DF oo war kasoo saartay Internet-ka go’an ee dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka boostada iyo isgaarsiinta ee xukuumadda Soomaaliya Eng. Cabdi Canshuur Xasan ayaa ka hadlay cillada ku timid qadka Internet-ka ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, taas oo taagan in ka badan 12-saacadood.

Wasiir Canshuur ayaa sheegay in cillidan aysan cusbeyn, balse hadda ay suurta gashay in la cillad bixiyo xarigii go’ay 26-kii bishii July oo markaas si ku meel gaar ah loo xalliyey.

“Waa taan ka balan qaadnay bulshada Soomaaliyeed inaan si waafi ah u cilad bixi doono Xarigga internetka markii uu nasoo gaaro qalabkii aan dalbanay, Markabkii xiri lahaa iyo qalabkii xalay saqdii dhexe ayey nasoo gaareen waana laga howlgalay, maalmaha soo socdana waxaan rajeynayaa in bulshadu internet kii hore ka tayo fiican ay hesho,” ayuu yiri wasiirka boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay wasiir Canshuur in isla xalay ay daahfureen xarig kale oo internet ah, kaas oo laga soo xariiriyey dalka Jabuuti, isla markaana isu mara magaalooyinka Jabuuti, Muqdisho iyo Mombasa.

Xarigaas ayaa suurta geliyay in Internet aan tayo badan laheyn ay maanta helaan dadka ku nool koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo Sabtidii saakay ku soo toosay qad la’aan.

Wasiirka boostada, isgaarsiinta iyo tiknoolajiyada Soomaaliya Cabdi Canahuur Xasan ayaa wareysigan siiyey TV-ga Universal. Hoos ka Daawo.