DF ‘oo xayiraadda ka qaaday’ khaatka Kenya iyo Kenya oo Soomaaliya u fasaxday…

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa qaaday xayiraad laba sano ah oo saarneyd khaatka Kenya, kadib wada-hadallo Muqdisho ku dhex-maray madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo madaxweyne Xasan Sheekh, waxaa sidaas shaacisay dowladda Kenya.

Wasiirka beeraha Kenya Peter Munya ayaa sheegay in muddo laba toddobaad gudahood ah lagu billaabi doono dhoofinta khaatka, xilligaas oo lagu wado in labada madaxweyne ay saxiixaan heshiis ganacsi oo rasmi ah.  

Munya ayaa sidoo kale sheegay in duulimaadyada tooska ah ee labada dal ay dib u billaabmi doonaan Talaadada. 

Heshiis la xiriira adeegga duulimaadyada ayaa lagu doc saxiixi doonaa shirka IGAD ee Talaadada lagu qabanayo Kenya, ayada oo Kenya ay fududeyn doonto xeerarka Visa-ha ee ku wajahan Soomaalida. 

Mr. Munya oo ka hadlayey gobolka Meru ee khaatka laga soo saaro ayaa sheegay in maamulka cusub ee Soomaaliya uu ballan-qaaday horumarinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labad dal.

Waxa uu xusay in wada-hadallada ganacsi lagu guuleystay kadib markii uu Uhuru Kenyatta Khamiistii tegay Muqdisho, halkaasi oo uu kaga qeyb galay caleemo-saarka madaxweyne Xasan Sheekh. 

“Waxaan uga mahad-celineynaa madaxweyne Uhuru Kenyatta wada-xaajoodyada diblomaasiyadeed ee uu sida hoose u waday. Xayiraadda waxay si xooggan u saameysay dhaqaalaha Bariga Kenya iyo dakhligii beeraleyda,” ayuu yiri Mr. Munya.

Munya ayaa sheegay in wada-hadallada hadda lasoo geba-gebeeyey, waxaana haray in la saxiixo heshiiska, oo ay qeyb ka tahay in kalluunka Soomaaliya iyo badeecado kale loo dhoofiyo Kenya.

Khaatka Soomaaliya ayaa waxaa horey u mamnuucay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo taas beddelkeed fasaxay khaatka Itoobiya oo ay dalka keenaan dad isaga ku dhow siyaasad ahaan iyo ehel ahaan.