Fahad Yaasiin oo weerar xun ku qaaday Axmed Madoobe – “Waa Kansar siyaasadda Soomaaliya ku jira” + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee hey’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe isagoo usoo jeediyey eedeymo waaweyn.

Taliyahii hore ee NISA oo wareysii uu siiyey Gaylan Media kaga hadlay khilaafkii soo kala dhex galay dowladdii uu hoggaaminayey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland ayaa Axmed Madoobe ku tilmaamay inuu yahay mashruuc ajnabi oo lagu abuuray Soomaaliya.

“Axmed Madoobe yaa keenay Soomaaliya, yuu u joogaa Jubbaland, wuxuu Kismaayo yimid isagoo saaran Taangi Kenyan ah, ma waxaad u maleysaa in doorasho ku yimid,” ayuu yiri Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Isagoo hadalkiisa sii wato ayuu yiri “Axmed Madoobe sidiisaba waa mashruuc ajnabi oo lagu beeray Soomaaliya, Soomaaliyana ku nool, haddii aan si kale kuugu dhigo Axmed Madoobe waa Kansar siyaasadda Soomaaliya ku jira, maalinta uu Axmed Madoobe dhinac uga baxo Soomaaliya ayey hagaageysaa Soomaaliya.”

Fahad Yaasiin ayaa sidoo kale Axmed Madoobe ku sheegay inuu yahay nin aan danta Soomaaliya u joogin jubbaland balse u joogo danta dowladda Kenya iyo arrimo la xiriira murankii badda ee labada dal.

Fahad Yaasiin ayaa Axmed Madoobe ku eedeeyey inuu lasoo diriray madaxweynayaashii dalka soo maray gaar ahaan kuwii ka dambeeyey madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan, wuxuuna ku dooday inay taas caddeeneyso inuu isaga ka gar-darnaa dhammaan madaxweynayaashii soo maray Soomaaliya intuu uu joogay Jubbaland.

“Axmed Madoobe madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf waa la diriray isagoo magac diineed wato, madaxweyne Shiikh Shariif wuu la diriray isagoo magac diineed wata, madaxweyne Xasan Shiikh teeramkiisii  hore wuu la diriray isagoo magac kale wata, madaxweyne Farmaajana wuu la diriray isagoo magac kale wata, Xasan Shiikhna mar kale wuu la diriri doonaa taariikhdana way qori doontaa, anaga haddii aan ka gardarneyn intaas oo madaxweyne ma ayagaa ka gardarnaa, Axmed Madoobe wuxuu dhibaato ku ahaa jiritaanka Soomaaliya,” ayuu yiri.

Fahad Yaasiin ayaa qiray inuu Magaalooyinka Nairobi iyo Kismaayo uu kula kulmay Axmed Madoobe si loo xaliyo khilaafka ka dhaxeeyey Jubbaland iyo dowladda Dhexe.

“Waa sax Axmed Madoobe iyo saraakiil ka socotay Kenya waxaan ku kulanay Nairobi, wixii laga hadlayey waxay aheyd in dowladda Kenya ay joojiso faragelinta ay ku heyso gudaha Soomaaliya, weliba Axmed Madoobe oo maqlayo ayaa saraakiishii ka socotay Kenya ku dhahay Axmed Madoobe u sheega in madaxweynihiisa uu yahay Farmaajo oo uusan aheyn Uhuru.”

Mar wax laga waydiiyey xayiradii ay dowladda Farmaajo saartay diyaaradihii tagi jiray Kismaayo ayuu ku andacooday inay tallaabadaas la xiriirtay in laga hor tago diyaarado dowlado Ajnabi ah ka socday oo doonayey inay si sharci darro ah ku yimaadaan Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Fahad Yaasiin ayaa inkiray in dowladdii uu hoggaaminayey madaxweyne Farmaajo ay isku dayday inay xirto ama shirqool ku disho Axmed Madoobe, balse taas badalkeeda wuxuu sheegay inay sameeyeen cadaadis dhanka siyaasadda ah.

Hoos ka daawo wareysiga oo dhan, ama qeybta Axmed Madoobe ka daawo daqiiqadaha 14:50 illaa dhammaadka muuqaalka