Faah-faahin: Laba qarax iyo weerar caawa ka dhacay Koonfurta MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heyleyno degaanka KM-13 ee koonfurta magaalada Muqdisho ayaa sheegaya, in caawa uu ka dhacay qarax xoog leh, halkaas oo qaraxa kadib la isku weydaarsaday rasaas mudo socotay.

Dadka deegaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in qaraxa kadib ay goobta ka bilaabatay rasaas mudo socotay, waxaana qaraxaas oo ahaa miino lala beegsaday gaadiid ciidan.

Inta la xaqiijiyey hal qof ayaa ku geeriyooday qaraxaas, si rasmi ahna looma xaqiiji karo khasaaraha jira, maadaama ay tahay xilli habeen ah, waxaana caawa xaalad cabsi ah laga dareemayaa wadada xariirisa Muqdisho iyo degaanka Ceelasha Biyaha.

Dhinaca kale qarax miino ayaa isla caawa ka dhacay maqaayad Shaah lagu iibiyo oo ku taalla agagaarka kaamka Badbaado ee degmada Dharkenley, waxaana halkaas ku dhaawacmay shan qof oo u badan askar ka tirsan militeriga Soomaaliya.

Qaraxaas oo ahaa miino ayaa lagu aasay maqaayada, sida ay noo sheegeen dadka deegaanka, wuxuuna bartilmaameedkiisu ahaa ciidanka oo imaa jiray maqaayadda, waxayna xogta hordhaca ah sheegeysaa in la xaqiijiyey dhaawacyada shan qof.