DF oo xil culus uga abaal-marisay Camey dagaal siyaasadeedkii uu la galay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa madaxweyne ku xigeenkii hore ee maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ka abaal-marisay dagaal siyaasadeedkii uu la galay xilligii ay u bahoobeen madaxda maamul goboleedyada.

Sida ay noo sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, Camey ayaa maanta xil safiir loogu magacaabay kulankii ay golaha wasiirada Soomaaliya ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Sida horey ay u sameyn jirtay dowladda, lama shaacin waddanka safiirka loogu magacaabay Camey, waxaase loo gudbiyey madaxweynaha oo marka uu ansixiyo shaacin doono dalka uu fariisan doono Camey.

Camey ayaa ka hor-yimid madaxweynehii hore ee Puntland Cabdi Weli Gaas, islamarkaana garab istaagay dowladda dhexe markii uu taagnaa Khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda.

Dadka siyaasadda darsa ayaa rumeysan in xilka loo magacaabay Camey uu yahay farriin ay direyso dowladda, kuna sheegeyso inay abaal-marin doonto cid kasta oo daacad u noqotaa lana safataa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com