DF oo xirtay sarkala boolis ah oo gabar ku sameeyey arrin carro badan dhalisay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda amniga xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay in xabsiga la dhigay sarkaal ka tirsan ciidamada booliska Soomaaliyeed oo dhibaato u geystay qof Dumar ah.

Sarkaalka wasaaradda amniga ay sheegtay in xabsiga la dhigay ayaa lagu magacaabaa Yuusuf Xundubey, waxaana loo heystay dhibaatada uu u geystay xaaskiisii hore, waxaana qoraalka wasaaradda uu u qornaa sidan:-

“Wasaaradda Amniga waxay soo xirtay Sarkaal ka tirsan Booliska Soomaliyeed oo fal foolxun kula kacay Gabar Soomaliyeed oo ahayd xaaskiisi hore/ Xaafada Shibis. Marnaba looma dul qaadan doono in Ciidamadu ku xadgudbaan sharafta iyo xuquuqda muwaadinka Soomaliyeed”.

Seddex arin ayaa sababtay in xabsiga la dhigo Yuusuf Xundubeey, waxaana ugu horeeya xirnaanshaha uu xirnaa dareeska ciidamada booliska Soomaaliyeed oo uu dhibaato u muuqatay handadaad ugu geysanayay qof Dumar ah.

Arinta labaad ee fududeysay xarigiisa ayaa ah in xaaskiisii hore ay Live kasoo gashay baraha Bulshada, taasi oo keentay in dad badan uu gaaro muuqaalka, islamarkaana aad looga doodo Facebook, islamarkaana wasaaradda amniga ay ka jawaabtay.

Arinta Seddexaad ee sahashay in Yuusuf Xundubeey xabsiga la dhigo ayaa aheyd in ruuxa uu dhibaatada u geysanayo ay tahay xaaskiisii hore oo ah qof Dumar ah.

Dowladda Soomaaliya ma aysan shaacin waxa laga yeelayo Yuusuf, balse waxaa inta badan dhacda in tacadiyada noocaan oo kale inay ku biyo shubtaan xal ay gaaraan qoysaska labada dhinac.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com