DFS oo XOG dheeri ah ka bixisay darbiga KENYA ay damacsan tahay inay ka dhisto xadka 2-da dal

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa xog dheeraad ah ka bixisay darbiga dowlada Kenya dooneyso iney ka dhisto dhanka xuduuda Kenya ay la wadaagto dalka Soomaaliya.

Wasiiro dowlaha arimaha gudaha Soomaaliya C/rashiid Maxamed Xidig oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in dowlada Kenya waqti xaadirkan aysan awood u laheyn iney dhisto darbiga ay dooneyso iney ka dhisto dhanka xuduuda.

Wasiirka wuxuu sheegay in Kenya marka loo eego dhanka dhaqaalaha iyo awoodaheeda kale aysan heysan qorshe ay darbi kaga dhiso karto xuduudaha labada dal.

“Waxaan aniga la kulmay wasaarada arimaha gudaha Kenya xubno ka tirsan, waqtigan ma awoodaan iney dhisaan darbiga dherarkiisa 700 oo km gaarayo, oo dhaqaalo iyo arimaha kale maba heystaan”ayuu yiri Mr Xidig.

Sidoo kale wuxuu sheegay iney wafdi u direen dhanka xuduuda Soomaaliya iyo Kenya gaar ahaan magaalada Beledxaawo kuwaasi oo la doonayo iney soo ogaadaan xad gudubka Kenya, isagoo cadeeyay in marnaba aan lagu hishiin doonin.

Kenya ayaa agabkii dhismaha qaarkood gaarsiiyay dhanka xuduuda, waxaana la sugayaa goorta ay dhismaha si rasmi ah u bilaaban doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com