Xildhibaanada oo digniin la siiyay iyo mooshinka Jubbaland oo go’aan rasmi maanta laga gaarayo

Muqdisho (Caasimada Online)- Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta la filayaa in go’aan rasmi ah ka gaaraan mooshinka laga gudbiyay xildhibaanada maamulka KMG ah ee Jubba, kaasi oo maalmahaan horyaalay xildhibaanada baarlamaanka.

Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud, oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa si cad u sheegay in xildhibaanada maanta go’aan rasmi ah ka qaadan doonaan mooshinka ka yaalo xildhibaanada baarlamaanka.

Wuxuu sheegay in dhamaan xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya lagu wargiliyay iney maanta xaadiraan kulanka baarlamaanka Soomaaliya, islamarkaana maanta kooram la’aan uusan u baaqan doonin kulanka xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa sheegay in gudiyada joogtada baarlamaanka maalintii khamiista ay isku raaceen in xildhibaanada oo idil ay soo xaadiraan kulanka baarlamaanka Soomaaliya ee Maanta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com