Video: Horumar aan caadiha ahayn ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Horumarka ballaaran ee xilligaan ka jira dalka Somaliya, ayaa waxaa qayb ka ah Magaalada Muqdisho oo ku guda jirta ka soo kabsashada dagaaladii sokeeye, ee mudada tobonaanka sano ihi rogaadiyay.

Labadii sano ee ugu dambeysay, ayaa wax weyn waxaa iska bedelay muuqaalka Magaalada Muqdisho, iyadoona ay soo laabanayso bilicdii lagu garanaayay Caasimadda, beri-samaadkii.

Muqdisho waxaa ku soo badanaaya dhismooyinka quruxda badan ee dadka Somaliyeed ka hirgelinayan dalka, isla-markaana waxaa soo badanaaya shaqaalaha wax dhisa ee ka hawlgala Magaalada.

Iyadoo sanado ka hor si weyn looga barakacay Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa xilligan ku soo qul qulaaya dadweyne fara-badan, kuwaa oo siyaabooyin kala gedisan kaga kala imaanaaya magaalooyinka dalka iyo dibadaba.

Wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha Somaliya, Nicholas Kay waxa uu ku waramayaa in laba sano ka hor aynaan Caasimadda ka jirin, waxa maanta ka jira, oo ay ugu horeyso in wadooyinka laga hirgeliyay layrarka taraafikada ee gawaarida kala hagga, ,bulshada oo buuxinaysa Xeebta Liido Jimca kasta iyo Bankiga ATM, oo lacagaha loogala baxo nidaamka caalamiga ah.