Wasiir C/raxmaan Odawaa oo ilaabay waajibkiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukumadda Somalia C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa, ayaa lagu eedeeyay inuu ka jiiftay kaalinta kaga aadaneyd Howlaha wasaaradiisa.

Cumar Cabdulle oo kamid ah aqoonyahaanada Soomaaliyeed ayaa sheegay in Wasiirka uu howshiisa isugu geeyay Magaalada Cadaado, isagoona ka gaabiyay howlohii laga doonaayay Xafiiskiisa.

Waxa uu sheegay in boqolaal qof ay ku dhib qabto adeegyada Xafiiska Wasiirka looga baahan yahay waxa uuna tilmaamay in safarada dhowrka asbuuc qaadanaayo ee uu ku aadayo cadaado aan xiligaani loo baahneyn.

‘’Waa arrin taagan loona baahan yahay in Ra’isul wasaaraha uu wax ka bedelo, waayo Odawaa waxa uu hayaa wasaarada ugu muhiimsan Somalia, balse wuu moogyahay inuu hayo xil muhiim ah waqtigiisa waxa uu ku lumiyay Cadaado, muhiim maaha inuu halkaasi ka dhigto saldhig waayo waxa uu u diri karaa ku xigeenkiisa iyo xubnaha kale ee wasaarada’’

Waxa uu tilmaamay in xiliyada qaar ay dhacdo in Odawaa uu Xafiiskiisa ka maqnaado asbuuc ilaa laba asbuuc, taasina ay ka turjumeyso in howlaha xafiiskiisa uu ka gaabiyay.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Xafiiska Odawaa ay buux dhaafiyeen Hay’ado dowli ah kuwaasi oo howlo uga baahan Somalia, balse ay ku gacanseyrayaan maqnaanshiyaha badan wasiirka awgeed.

Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid ayuu ugu baaqay inuu waxbadan ka bedelo hanaanka ay ku shaqeynayaan Wasiirada ka tirsan xukuumadiisa oo dhaqan ka dhigtay ka maqnaanshiyaha Xafiisyada ay ku magacaaban yihiin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com