Xog dheer ah: Socdaalka waftida DFS ee Jig-Jiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo wafdi ka socda DF Somalia ay gaaren Magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia, ayaa waxaa soo baxaayo warar hordhac ah oo kasoo baxaayo kulan wafdigaasi ay la qaaten Xubno wasiiro ah oo ka tirsan Maamulka Jigjiga.

Wafdiga oo uu horkacayay Mahad Maxamed Salaad, ayaa waxa ay kulan hordhac ah la qaaten wasiiro iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan Maamulkaasi.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in kulankaasi ay qeyb ka ahaayen xubno ka socday wasaarada arimaha dibada,wasaarada gaashaandhiga, gudiga amniga qaranka iyo saraakiil ciidan.

Labada dhinac ayaa si hordhac ah uga wada hadlay xal uhelida dagaalada soo noqnoqday ee mudada labada isbuuca ka badan ka socda deegaanada dhaca xuduuda degmada Shilaabo la wadaagto gobolka galgaduud, waxaana la aaminsan yahay in dagaaladaasi ay yihiin kuwo aad loogu hoobtay.

Waxa ay kulankaasi hordhaca ah iskula meel dhigeen in xal laga gaaro xasaarada u dhexeysa Ciidamada Liyuu Boolis iyo kuwa ku hoos nool deegaanada hoostaga G/Galgaduud.

Waxaa leysla meel dhigay in si KMG ah lookala qaado ciidamada is horfadhiya inta xal waara laga gaarayo xasaarada iminka taagan islamarkaana lookala guroto dhaawacyada ka dhashay dagaalka.

Lama oga natiijada kasoo bixi doonta kulanka weyn oo ay wada qaadan doonaan xubnaha DF Somalia ka socda oo uu hogaaminaayo Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya Mahad Salaad.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com