SAWIRRO Jawaari oo kulan muhiim ahaa la qaatay Hon Rebeca Kedega (Maxaa laga hadlay?)

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa kulan ku aadan xoojinta iskaashiga iyo wada shaqeynta Baarlamaannada Soomaaliya iyo Uganda la qaatay dhigiisa dalka Uganda.

Kulankan oo ka dhacay dhismaha aqalka Golaha Baarlamaanka dalka Uganda ayaa waxaa Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Soomaaliya iyo Uganda uga wada hadleen halka uu marayo xiriirka iyo iskaashiga labada Baarlamaan waxaana si gaar ah la isula eegay hirgelinta heshiiskii ay Kampala ku kala saxiixdeen labada Guddoomiye bishii August ee sanadkii 2013.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”oo ugu horeyn kulanka ka hadlay ayaa uga mahad celiyey Guddoonka iyo Baarlamaanka dalka Uganda hirgelinta heshiiskii labada Baarlamaan u dhaxeeyey kaasi oo fulintiisa ay ka mid aheyd qibrad is weeydaarsiga labada Baarlamaan iyo tababarrada ay Uganda ku qaataan Guddiyada iyo howlwadeennada Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Uganda Hon Rebeca Kedega oo kulanka hadal ka jeedisay ayaa bogaadisay dadaallada iyo hormarrada uu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku tallaabsaday waxaana ay ballan qaaday iney sii laba jibaari doonaan taageerada,xiriirka iyo wada shaqeynta ay la leeyihiin Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ku simaha Safiirka Soomaaliya ee Uganda ahna Xoghayaha koobaad ee Safaaradda Mudane Cali Qadar oo markii uu kulanka soo gebageboobay la hadlay warbaahinta ayaa tilmaamay in kulankan uu la xiriiray waxa ka hirgalay heshiiskii hore iyo sidii loosii xoojin lahaa wada shaqeynta hada labada Baarlamaan u dhaxeysa.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa magaalada Kampala kulan kula qaatay Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Rwanda, isutaga golaha Baarlamaannada Bariga Afrika iyo safiirka Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
jw1

jw3

jw4

jw5

jw6