SAWIRRO Axmed Madoobe oo la kulmay Safiiro heer caalami ah ”Maxaa laga hadlay?”

Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha Maamulka Jubbland Axmed Madoobe iyo xubno ka tirsan Maamulkiisa, ayaa magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya kulamo kala duwan kula qaatay Safiirada dowladaha caalamka u fadhiya Nairobi.

Kulanka Axmed Madoobe iyo Safiirada ayaa ahaa mid ku saabsanaa Taageerida dhismaha Labada gole ee maamulka Jubba, Siyaasada, Amaanka iyo Horumarinta dhinacyada wax soo saarka, dhoofinta iyo Arrimo kale.

Hogaamiye Axmed Madoobe oo kulamadaasi ka faa’iideysanaayay ayaa waxa uu Safiiradaasi ka codsaday inay soo booqdaan Deegaanada Maamulka si ay u indha indheeyaan xaalada dhabta ah ee ka jira Deegaanada Maamulka.

Safiirada qaar ayaa aad usoo dhaweeyay codsiyo dhowr ah oo uu Hogaamiyaha ka horjeediyay, waxa uuna ahmiyada codsiyadiisa ku sheegay mid maslaxad u ah shacabka ku hoos nool Maamulka.

Rajo wanaagsan ayaa laga muujiyay kulanka Axmed Madoobe iyo Safiiradaasi, waxaana sidoo kale la filayaa in natiijooyin mirro dhal leh uu kulanka yeelan doono.
eu1

eu2

eu3

eu4

eu5

eu6

eu7

eu8

eu9

eu10

eu11

eu12

eu13

eu14

eu15

eu16

eu17