Ergooyinkii buuqa ka kiciyay shirka Cadaado oo ku hanjabay arrin cusub oo halis ah (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Cadaado ee xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegaya in halkaasi ay ka taagan tahay xasaarad hor leh oo ka dhashay kulankii shalay.

Wararku waxa ay sheegayaan in Ergooyinka qaar ay mar kale u goodiyeen Gudoomiyaha gudiga farsamada Xaliimo yarey, waxaana la sheegayaa in Xaliimo loo gudbiyay warqad ay ku qoran tahay fariin hanjabaad ah.

Ergooyinka goodiyay ayaa waxa ay Xaliimo yarey ku dhaliileen inay la safan tahay beelo gaar ah, taasina aysan dhalin doonin xal laga gaaro Khilaafyada iminka taagan, waxa ayna ku goodiyeen in hoolka shirka uu dhiig ku daadan doono waa hadii aan la sixin qaladka taagan.

Sidoo kale, Ergooyin ayaa la sheegayaa in Habeenimadii xalay ay mar kale weerareen Xaliimo yarey, balse ay ka baxsatay kadib markii ay ka difaaceen ilaalo gaar ah oo ay laheyd.

Buuqa ka dhashay shirka cadaado ayaa u muuqanaayo mid lagu carqaladeynaayo guulaha la filan karo inay ka soo bixikaraan shirka, waxaana aad looga cabsi qabaa in faragalin dowladaha dariska la ah Somalia ay shirka kusoo sameeyaan.

Dhanka kale, Madaxweyne Xassan iyo Ra’isul wasaare Cumar ayaa wadaan qorshooyin ay ku hakinayaan buuqa ka taagan shirka Cadaado.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com