Xog: Mas’uuliyiin ka tirsan DF oo gaaray Jigjiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jigjiga ee Xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia, ayaa sheegaya in halkaasi ah gaareen Mas’uuliyiin ka tirsan DF Somalia.

Wafdiga halkaasi gaaray ayaa waxaa hogaaminaayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Mahad Maxamed Salaad oo ay wehlinayaan Siyaasiyiin iyo Odaydhaqmeedyo.

Wafdigaasi ayaa la sheegay inay ergo ahaan u tageen Magaalada Jigjiga ujeedkooduna yahay sidii lagu joojin lahaa dagaalada mudada dheer qaatay ee ka dhacaya deegaanada xuduuda.

Gudoomiyaha gobolka Galgaduud Xuseen Cali Weheliye ”Cirfo” ayaa sidoo kale la sheegay inuu kamid yahay wafdiga Jigjiga ku sugan.

Dagaalada ka dhacaya deegaanada dhaca xuduuda u dhaxaysa DDSI iyo gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka dhashay dhimasho aad ubadan,waxayna dagaaladani u dhaxeeyaan ciidamada Liyuu booliska iyo maleeshiyo beeleed.

Mas’uuliyiintaasi oo maanta gaaray Jigjiga ayaa la filayaa in halkaasi ay kulamo kula qaadan doonaan Maamulka Jigjiga si loo hakiyo xasaarada sii kordheysa.

Lama oga natiijada kasoo bixi doonta kulamada la filaayo in labada dhinac ay dhex mari doonaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com