Daawo video naxdin badan: Xasuuqa ciidamada Liyuu Boolis ay ka hayaan dadka Soomaaliyeed

Gal-Gaduud (Caasimada Online) – Ciidanka Liyuu Boolis ee Dowlad Deegaanka Somalida Itoobiya, ayaa waxay dad fara badani ku dileen xadka Gobolka Galgaduud, uu la lee yahay dalkaasi Itoobiya.

Muuqaalkan oo uu qaaday askari ka tirsan Liyuu Boolis, ayaa waxaa ka muuqanaaya meydadka tobonaan ruux, kuwaa oo sida cad ay dileen Liyuu Boolis.

Ilaa iyo hadda fasiraad rasmi ah looma haayo waxa Liyuu Boolis u beegsanayan shacabka, ha yeeshee waxaa jira warar sheegaaya, in ujeedkoodu uu yahay inay dadka ka sal guuriyaan xuduuda.

Dowladda Soomaaliya ayaa isha un ka daawaneysa xasuuqa shacabka Soomaaliyeed, ayada oo aan weli wax tallaabo ah qaadin.