DF Somalia oo war cad ka soo saartay xariggii qunsulka Somalia ee Nairobi

Muqdisho (Caasimada Online)-War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha ayaa lagu sheegay in raa’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed uu maanta la kulmay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya Mudane Maxamed Cali Nuur, oo Muqdisho soo gaaray Axaddii 27-kii April kadib markii lagu casumay inuu Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyo xaaladda ay ku sugan yihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed ee jooga Kenya.

War-saxaafadeedka oo nuqul ka mid ah la soo gaarsiiyay Caasimada Online ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah.

Dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya ayaa waxaa soo wajahay usbuucyadan ugu dambeeyey dhibaatooyin xooggan, kadib markii xukuumadda Kenya ay bilowday hawlgal amni oo dad fara badan lagu xiray. Isla hawlgalkaas ayaa keenay in ay ciidamada Kenya xiraan Qunsulka Siyaasadda ee jooga Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, mudane Siyaad Maxamuud Shire, arrinkaas oo dowladda Soomaaliyeed ay u aragto mid xadgudub ku ah heshiiska diblumaasiga.

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa si joogto ah uga wada hadlayay xaaladda dadka Soomaalida ah ee ku nool Kenya, waxaana ay dowladda Soomaaliya u dirtay hay’adaha xukuumadda Kenya ee ku shaqada leh hawlgalkan socda codsi ah in ay ixtiraamaan xuquuqda iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan ee ku sugan Kenya.

Kulanka Ra’iisul Wasaaruhu la yeeshay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya ayaa daba socday kulan aan caadi ahayn oo ay Sabtidii isugu yimaadeen Golaha Wasiirrada oo lagu falanqeeyey xaaladda ka taagan Kenya.

Wuxuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu:

“Xukuumadda Soomaaliya waxay sii waddaa in ay qeexdo walaaca xooggan ee ay ka qabto qab-qabashada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Kenya, kuwaas oo addeecsan sharciyada u yaala dalkaas. Dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Kenya intooda badan waa kuwo jecel nabad ku wada noolaanshaha, waxayna door muhiim ah ka qaataan kobcinta dhaqaalaha Kenya.

“Dowladda Soomaaliya waxay si joogta ah xiriir ula samaysay dowladda Kenya si wax looga qabto qab-qabashada lagu hayo dadka Soomaaliyeed, waxayna rajaynaysaa in dowladda Kenya ay dadaal kasta ku bixiso ilaalinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.

“Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale waxay ka sugaysaa dowladda Kenya jawaab rasmi ah oo ku aaddan xariggii loo gaystay Qunsulka Siyaasadda ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya, Mudane Siyaad Maxamuud Shire, arrinkaas oo ah xadgudub ka dhan ah ximaayadda diblomaasiyeed.

“Labadeenna dawladood waxay ka midaysan yihiin walaaca dhanka nabad galyada, lakiin qab-qabashada lagu hayo Soomaalida aan waxba galabsan waxay abuuraysaa jawi ku dheehan cabsi iyo is aaminid la’aan oo horseedi doona kala qaybsanaan soo kala dhex gasha bulshooyinkeenna.

“Waxaa mar kasta ka dhexeeyay labada waddan xiriir xooggan, waxaana garwaaqsaneeynaa oon ku faraxsannahay taageerada joogtada ah ee dawladda Kenya ay siiso Soomaaliya. Labada dawladood waa in ay ka sii wada shaqeeyaan dadaalka aan ugu jirno inaan dalalkeenna ka nabad-galinno khatarta argagixisada.”

Si kastaba, in ka badan 4,000 oo qof oo Soomaali ah ayaa lagu xiray howlgalka bisha socda ee dowladda Kenya ay ku sheegtay inay ku soo afjareyso weerarrada kooxaha argagaxisada ay ka geysanayaan gudaha dalkeeda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@liove.com