24.4 C
Mogadishu
Saturday, July 12, 2025

Axmed Madobe oo maleeshiyo u diray BELEDXAAWO iyo xiisad ka taagan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Balad-xaawo ( Caasimada Online) – Wararka caawa naga soo gaaraya magaalada Baladxaawo ee gobalka Gedo ayaa sheegaya in halkaas ay kaa taagan xiisad dagaal kaddib markii magaalada ay gaarayn maleeshiyo taageersan maamulka KMG ah ee Jubba.

Maleeshiyada tagay Baladxaawo ayaa ka yimid deegmada Dowlow wuxuuna ujeedkooda uu yahay siddii ay u qabansan lahayeen magaalada siddas waxaa sheegay saraakiil ku sugan gobalka Gedo.

Cabdisalaan Maxamed Saliid, waa sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda, wuxuu sheegay in magaalada ay maanta soo gaareyn maleeshiyo hoos-taga maamulka KMG ah ee Jubbooyinka.

Wuxuu sheegay oo kale in magaalada ay ka taagan tahay xiisad dagaal.

Ilaa hadda ma cadda sababta maleeshiyada ka tirsan maamulka KMG ah ee Jubba loogu diro magaalada Baladxaawo ee gobalka Gedo oo ay hadda ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa ka arrimiya goballada Jubbooyinka iyo Gedo, waxaana uu hadda doonayaa in uu maamlkiisa ku baahiyo goballada uu hoos yimaada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News