GUULEED OO DIIDAY INUU IS-CASILO

Muqdisho (Caasimada Online) – Xarunta golaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa maanta mar kale su’aalo lagu weydiiyey wasiiradda arrimaha gudaha iyo ammaanka.

Kulanka Baarlamaanka ee maanta waxaa shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, waxaana goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku xigeennada Koowaaad iyo Labaad ee Baarlamaanka ayadoo Ajandaha Baarlamaanka qeybta hore uu ahaa dhameystirka dooda la xiriirtay Miisaaniyadda sanadkan 2014ka.

Su’aalaha la weydiiyey Guuleed waxaa ka mid ahaa ama ay la xiriireen Ciidamada Booliska Xuquuqdooda, xaqa ciidamada u naafoobay Qaranka, Wax ka qabashada Amniga, natiijada baaritaanka weerarkii 21kii-February-2014 lagu qaaday xarunta Madaxtooyada Qaranka, mas’uuliyadda iyo sharciyadda hay’adaha gaarka loo leeyahay ee amniga ka shaqeeya iyo dilalkii loo kala geystay odayaal dhaqameedyo iyo Xildhibaanno ka tirsanaa baarlamaanka.

Xildhibaan Caadil Sheegow Sagaar ayaa si cad ah u weydiiyay wasiirka in uu is-casilo maadama uu fashilmay, wuxuuna yiri “Wasiir su’aalaha lagu weydiiyay shaley ilaa iyo maanta waxa weeye in aad ka jawaabto su’aalaha qaar anniga waxaan ku lee yahay iscasil waayo waad ku fashilanta, oo ammaankeena ayaa halis ku ah dad badan oo dhintay sababtaada ayey ku dhinteen”

Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed oo Xildhibaannada Baarlamaanka uga jawaabayey su’aallaha ay weeydiiyeen ayaa ugu horeyn u faah faahiyey Mudaneyaasha Golaha Shacabka sida ay u shaqeeyaan xiligan hay’adaha amniga Dalka, waxaana uu xusay in seddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay hay’adaha amnigu ku guuleysteen fashilinta weerarro iyo qorshayaal ay argigixisadu soo maleegtay, kuwaasi oo kumanaan gaaraya marka wadartooda la isku geeyo.

Wasiirka ayaa su’aallo culus la weydiiyay oo marka qaar waxayba xildhibaannada baarlamaanka lahaayeen waa fashillantay ee meesha isaga tag, isna casil, hase yeeshee Guuleed waa uu ku gacan seeray is-casilaad, wuxuuna ku dooday in amni darrada uusan kaligiis mas’uul ka ahayn.