Axmed SIILAANYO oo hanjabaad diray weerarna ku qaaday SOOMAALIWEYN

Hargeysa (Caasimada Online) – Magaalada Hargeysa waxaa maanta oo Isniin ah ka furmay shirweynihii xisbiga Kulmiye ee talada Somaliland haya.

Shirkan ayaa shantii sanno mar la qabtaa, waxaana ka soo qaybgala dhammaan xubnaha xisbiga Kulmiye sidda u ku soo warramay wariyaha Caasimada Online ee Hargeysa.

Shirkaasi wuxuu socon doonaa laba maalmood, waxaana lagu dooran doonaa hoggaanka sare ee xisbiga Kulmiye ee shanta sano ee soo socota oo kala ah ; Gudoomiyaha xisbiga , afar guddoomiye ku xigeen , iyo xoghaye guud.

Shirweynaha Kulmiye oo ka furmay Hargeysa
Shirweynaha Kulmiye oo ka furmay Hargeysa

Waxaa kaloo lagu dooran doonaa guddiga fulinta ee xisbiga, iyo gole dhexe oo dhan ku dhowaan 300 xubnood .

Haddaba shirka waxaa daah furkiisa ka hadlay madaxweynaah maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo arrimo badan ayuu ka hadlay.

Mar uu ka hadlaayay midnimo dib u dhex marta Soomaaliya iyo Somaliland, wuxu sheegay in aysan dhici doonin arrintaas, isagoona ku baaqay in la tixgaliyo gooni isku taaga Somaliland.wuxuu yiri “Dadka Somaliland waa ay tashatay, waana ay soo ceshatay minimadii diyaarna uma ahan midnimo dambe, idiinmana soo socaan, haddii midnimo la waayay, waa in nabadda iyo walaaltimimada aaan isku qadarino maadama aanu nahay dad walaalo ah oo jaar ah”.

Mar uu ku hadlaayay xiisadda ka taagan degmada Taleex ee gobalka Sool, wuxuu yiri.Xuduudaha Somaliland waa ku cayiman oo la yaqaano, cid aan ka yeeleyno in ay ku soo gardarooto ma jirto, mana oggolaan doono in lagu xad gudbo taako, iyo dhundhun ak mid ah, haddii ay difaac noqoto waxaan heynaa awood” ayuu yiri madaxweynaha maamulka Somaliland.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa waxaa u socda wadahadallo la rabo in la isku soo dhaweeyo labada dhinac in kastoo ay kala taagaan yihiin labo mowqif oo kala fog.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeyesa

Caasimada@live.com