DF Somalia oo ku guuleestay arrin ay in muddo ah dadaal ugu jirtay

Muqdisho (Caasimada Online) Maalin kaddib markii uu madaxweynaha Soomaaliya booqday magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabellaha Hoose, waxaa soo baxaya warar sheegaya in lagu guuleestay in la qaado isbaarooyin fara badan oo yaalay waddada isku xirta magaalooyinka Marka iyo Afgooye.

Maamulka Gobalka Shabeellaha Hoose, oo caawa la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in maanta oo Khamiis ah ciidamada ammaanka iyo maamulka Gobalka ay ku guuleesteen in ay qaadaan dhowr isbaaro oo lagu qaadi jiray lacago baad ah.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wax yaabaha uu kala hadlay maamulka iyo shacabka ku nool Marka ka mid ahaa in ay billaabaan maalmaha soo socda qaadista isbaarooyinka yaala waddada isku xirta Marka iyo Afgooye.

Arrintan ayaa ka dambeesay markii dhowr jeer waddadaas lagu dhacay dadka socotada ah ee ku safra waddadaas, waxaana darawalada baabuurta ay lee yihiin lacago baad ayaan nalaga qaadaa intaasna nalooguma simo ee mararka qaar waxaa la dhacaa rakaaka ama la kufsadaa.

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ayaa maalmahan waxa ay ka waday magaalada Marka iyo deegannada gobalka Shabellaha Hoose kulamo looga gun lahaa siddii ciidamo cusub loo geen lahaa halkaas maadama ay soo bateen isbaarooyinka lacagaha baada looga qaaado.

Wasaaradda waxa ay dooneysay in la badelo ciidamada halkaas jooga balse waxaa diidday maamulka Marka iyo kan gobalka Shabeellaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho