Boqolaal ciidan oo ka gadooday DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan Milateriga DF ayaa maanta 05 September, 2013 kasoo baxay Xero ay ku jireen oo ku taala Duleedka Muqdisho, kadib markii ay sheegeen inay la kulmeen dayacaad xoog leh, waxaana ciidamadan lagu arkayay Wadooyinka qaar ka mid ah Degmooyinka Muqdisho.

Ciidamadan oo koox-koox u socday ayaa ahaa kuwo aan hub wadan, iyagoo sheegay inaan wax hub ah la siin, ayna ku jireen tababar, balse markii ay u adkeysan waayeen dhibaatooyinka dhinaca nolosha ay ku qasabtay inay ka soo baxaan xeradii ay tababarka ku qaadanayeen.

“Waxaan tababarka ku qaadanaynay Warshadii Nacnaca ee Muqdisho oo aan dhowr bilood ku jirnay, balse waxaan la kulanay dhibaatooyin ay ka mid tahay cuno la’aan iyo mushaar la’aan” ayuu yiri mid ka mid ah ciidamadii ka soo baxay xerada oo Warbaahinta  la hadlay.

Inkastoo DF aysan wax hadal ah kasoo saarin ciidamadan gadooday ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo Dowlada Somalia ay sheegtay inay sare u qaaday daryeelka ciidamada iyo Mushaaraadkooda.

Ciidamadan gadoodka sameeyay maanta ayaa tiradooda lagu sheegay inay ka badnaayeen 300 oo askari, kuwaasoo watay tuutayaasha lagu yaqaan ciidamada Milateriga Somalia, waxayna noqonayaa ciidamadii ugu horeeyay oo kasoo baxa xero ay ku jireen mudooyinkii ugu dambeeyay.

“Go’aankeenu waa inaan muujino inaanan helin wax daryeel ah, maxaa yeelay dhowr jeer ayaa waxaa noo yimid saraakiisha ciidamada iyo xubno ka tirsan Wasiirada oo noo sheegay in daryeel wanaagsan naloo sameyn doono balse taasi waxba kama suurogelin, waxaana goosanay inaan kazoo baxno xeradii aan tababarka ku qaadanaynay” ayuu yiri mid ka mid ah ciidamada.

Madaxweynaha Somalia ayaa dhawaan sheegay inay daryeelka ciidamada ka hagaajin doonaan sida uu hada yahay si ay amaanka dalka uga qayb weyn uga qaataan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com