25.7 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Soomaali ku dhaawacantay qarax ka dhacay Masar (Faah-Faahin)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Cairo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya dalka Masar gaar ahaan magaalada Qaahira ayaa sheegaya in ugu yaraan 10-qof ay ku dhaawacmeen qarax maanta lagu weerraray wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Ibraahim.

Qaraxa oo ka dhacay xaafadda ay Soomaalida ku badan tahay dalka Masar ee Nasri City ayaa la sheegayaa in uu ka badbaaday wasiirka oo wax khasaaro ah uusan ka soo gaarin.

Dadka qaraxaas ku dhaawacmay waxaa ka mid ah labo haween ah oo u dhashay dalka Soomaaliya, kuuwasoo qaraxa la kulmay iyagoo maraya goobta uu ka dhacay.

Mid ka mid haweenka ayaa la sheegay in ay go’day lugta bidix, halka gabadha kale ay ka dhaawacantay labada garab oo firir uu ka galay.

Wiil Soomaali ah oo ku nool Qaahira ayaa u sheegay Shabakadda Caasimada Online, in mid ka mid haweenka ku dhaawacmay qaraxa ay lahayd dhalasho UK halka gabadha kale ay wadatay warqad ay siisay hey’adda UNHCR.

“Walaal waxaan kor tagay dadkii dhaawacmay waxaan ku soo arkay labo dumar ah oo Soomaali ah, kuwaasoo ku jiray dadkii ku dhaawacmay qaraxa lagu weeraray wasiirka arrimaha gudaha” ayuu yiri Maxamed Cali oo Soomaali ku nool Qaahira.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

- Advertisement -

Read more

Local News