27.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

DFS oo loogu yaboohay LACAG badan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Lana Zaki Nusseibeh oo ah Wakiilka joogtada ee jaamacada carabta u fadhiya QM oo Khudbad ka jeediyay kulan shalay ka dhacay imaaraadka, ayaa waxa uu halkaasi ka shaaciyay in wadamada Somalia iyo Afgaanistaan ay ugu yaboohen dhaqaale dhan 500,000 $.

Hantidaani loogu yaboohay Somalia ayaa waxaa lagu shubay xafiiska siyaasada ee Qaramada Midoobay ee Somalia, si loo hormariyo Somalia.

Danjire Lana Zaki Nusseibeh oo ah Wakiilka joogtada ee jaamacada carabta u fadhiya Qaramada Midoobay, ayaa waxa uu Tilmaamay in had iyo jeer ay u taagan yihiin garabsiinta Dowladaha ku abtirsada Carabaha oo ay Musiibooyinka ku habsadan.

Lana Zaki Nusseibeh ayaa waxa uu hadalkaani ka sheegay shirka deeq bixiyaasha oo dhacay maalintii shalay, waxaana shir gudoominayay shirkaasi ku xigeenka siyaasada ee xoghayaha guud ee Qm, Jeffrey Feltman.

Safiirka isutaga imaaraadka carabta ayaa sheegay in dhaqaalahaasi la doonayo in lagu horumariyo siyaasada dalalka Soomaaliya iyo Afganistan.

Dhanka kale, Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska safiirka Imaaraadka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay inay garab taagan yihiin taageerana ay siinayaan dalalka Soomaaliya iyo Afganistan, si horumar siyaasadeed looga gaaro.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News