Muqdisho (Caasimada Online) –Warar lagu kalsoon yahay oo naga soo gaarayo Villa Somalia, ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu Xafiiskiisa kulan kula qaatay Xildhibaano gaaraya Shan xubnood kuwaasi oo kaalinta koowad uga jiray ridistii Xukuumada C/Weli Sheekh.
Xildhibaanada uu la kulmay Madaxweynaha, ayaa waxaa kamid ahaa Dahir Amiin Jeesow oo isagu la sheegay inuu Madaxweyne Xasan ka helay balanqaad ku aadan kamid ahaanshaha Xukuumada dhawaan la yagleeli doono.
Ujeedka kulanka ayaa ahaa mid Xog uruurin islamarkaana Shantaasi xubnood uu Madxaweyne Xasan ugu balanqaadayay xilal ay ku muteysteen hirgalinta Mooshinka, waxaana la sheegayaa in Shantaasi xubnood ay Golaha Cusub kasoo gali doonan dhanka Beelahooda.
Sidoo kale wararku waxa ay intaasi kusii darayaan in xildhibaanada loo balanqaaday Wasiiro iyo Wasiiro ku-xigeenada ay kamid noqon doonto Maryan Cariif oo kamid ah BF Somalia.
Kulanka kadib ayaa Madaxweyne xasan mahad celin gaar ah u jeediyay Xildhibaanadaasi Maadama ay usoo ololeeyen kalsooni kala laabashadii xukuumadii C/Weli.
Dhanka kale, kulanka iyo balanqaadyada ayaa waxa uu kusoo beegmayaa iyadoo dhawaan uu Madaxweyne Xasan ku dhawaaqi doono Ra’isul wasaaraha cusub ee dalka, waxaana daba socon doono Wasiiro qaar oo aan horay loogu arag masraxa Siyaasada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

