Wariyeyaal u riyaaqay tallaabadii DFS

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib wariyaal kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxay kusoo dhaweeyay soo qabashadii ciidamada dowlada ee gacanta usoo galay Xasan Xanafi Xaaji, oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay dilal loo geystay wariyaal ka shaqeynayay magaalada Muqdisho.

Wariyaasha maanta kulmay oo ay ku jiraan agaasimayaal Idaacadeed ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in gacanta ciidamada dowlada Soomaaliya uu soo galo Xasan Xanafi, iyagoo sheegay inay wanaagsan tahay in cadaalada la horkeeno.

“Maanta waxaa halkaan ku kulantay dhamaan bahda saxaafada, waxaana isu keenay dilaa sare Xasan Xanafi oo soo galay gacanta dowlada, wuxuu dilal badan ka geystay Muqdisho”sidaasi waxaa yiri Agaasimaha Idaacada Kulmiye Cismaan Cabdulaahi Guure.

“cidna noo diideyso inaan u banaanbaxno ciddii na dili jirtay oo lasoo qabtay, waana wax farxad ah”ayuu yiri C/qaadir Faarax Dulyar.

Agaasimaha Idaacada dowlada ee Radio Muqdisho ayaa dhankiisa madaxda dowlada gaar ahaan dhanka cadaalada ka dalbaday wuxuu ka dalbaday inay il gaar ah u yeeshaan cadeymo badan oolaga duubay Xasan Xanafi.

Qaar kamid ah ehelada wariyaashii Muqdisho lagu dilay ayaa dhankooda wax lagu farxo ku tilmaamay in Xasan Xanafi Muqdisho la keeno, waxayna dalbadeen in cadaalada la horkeeno.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com