DF Somalia oo shaacisay war wanaagsan oo ku saabsan kiisaska cudurka Covid-19

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta shaacisay tiro dad badan oo ka bogsaday cudurka safmarka ah ee Coronavirus/Covid-19, midaasi oo ka dhigeysa inuu hoos u dhacay halistii uu dalka ku hayay cudurkaasi.

Fowziya Abiikar Nuur, Wasiirak caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay in cudurka Coronavirus ay ka bogsadeen 51-qof, halka cudurkaasi laga helay 13-kiis oo cusub, halka markii hore dalka laga diiwaan-galin jiray kiisas badan.

Wasiir Fowziya ayaa warbixinteedii maalinlaha aheyd cudurkaasi ku xustay in dadka cusub ee laga helay cudurkaasi ay ku kala sugan yihiin gobolka Banaadir (7), Puntland (4) iyo Somaliland (2).

Tirada guud ee dadka ka bogsaday cudurka Koronaha ayaa gaadheysa 1,147-qof, halka dadka cudurkaasi uu dalka gudihiisa ku dilay 92-qof oo keliya, inta la ogyahay.

Guud ahaana dalka waxa laga diiwaan-geliyay tan iyo intii uu bilowday cudurka Koronuhu 3,028-kiis oo la xiriira cudurkaasi.

Soomaaliya ayaa u muuqata mid gebi ahaanba ka bad-baaday halista cudurkaasi oo faro ba’an ku haya dalal kamid ah dunida, iyada oo muddooyinkii u dambeeyay ay si tartiib-tartiib ah dib ugu soo noqoneysay nolosha caadiga ah.