Xog: Yaa bixiyey amarka lagu soo celiyay ciidamadii Haramcad ee ku sugnaa Dhuusamareeb?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in amarka lagu soo celiyay ciidamada booliska Soomaaliya ee Haramcad ee ku sugnaa Dhuusamareeb uu bixiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Ku dhawaad 200 Askari oo ka tirsan Ciidamad Haramcad ayaa diyaarad looga soo qaaday, waxeyna kasoo degeen magaalada Muqdisho.

Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Madaxweyne Qoor-Qoor iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo khadka teleefonka kuwada hadlay ay isla garteen in la soo celiyo ciidankaas islamarkaana ay door weyn oo fududeyn ah ka qaadato Xukuumadda Soomaaliya.

Soo qaaditaanka ciidamada ayaa la sameeyey ayada oo la fulinayo shuruud la sheegay iney ka timid madaxweynayaasha labada maamul ee Puntland iyo Jubbaland, oo dalbaday in ciidankaas laga sarao magaalada.

“Arrin sahlan ma aheyn in Qoor Qoor oo kaliya go’aan ka gaaro ciidanka Haramcad, awood ahaan iyo dhaqaalo ahaanba, waxaa fududeeyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliay,” ayuu yiri mid kamid ah Golaha Wasiirada Galmudug oo aan la hadlnay.

Dhanka kale, xogta aan helnay ayaa sheegeysa in madaxad Maamul Gobaleeyda dalka ay dhamaantood qaadan doonaan go’aano adag oo siyaasadeed kuwaas oo wax badan ka badali kara Xaaladda Soomaaliya ee siyaasadda iyo ammaanka.

Dhamaan Bulshada Soomaaliyeed ayaa indhaha ku haaya waxa ka soo bixi kara Shirka Berri ka furmaya Dhuusamareeb oo muhiiim ah xaaladda Siyaasadeed ee Somalia oo muddooyinkii ugu dambeeyay jahwareer xoog leh ka jiro.