Sideed dal oo Carbeed oo soo saaray digniin culus oo ku socota Israel (Aqriso)

Qaahira (Caasimada Online) – Dalal kamid ah dowladaha carabta ayaa soo saaray digniin ku aadan Israel, iyada oo si cad u garab istaagay dowladda Falastiin oo dhibaato badan ay ku hayso yuhuudu.

Dalalkaasi sheegay inay is garab taagayaan Falastiin, ayaa waxa kamid ah Imaaraadka Carabta, Sacuudiga, Jordan, Masar, Cuman, Morocco, Kuwait, iyo Tunisia.

Dowladahan carbeed ayaa ka hor-yimid deegaameyn ay dib u bilaabeyso Isreal, midaasi oo ay rabto inay ka sameyso qayb kamid ah dhulka Falastiin, xili uu soo shaac baxayo qorshe hoose oo arrintan lidi ku ah.

Waxayna si wada-jir ah digniin bilaa talaabo ah u direen dowladda Israel oo wada daandaansi ka dhan ah Falastiin, si ay uga baaqsato xad-gudubka dhuleed ee ay ka wado gudaha Falastiin, isla markaana aysan ka talaabsan qaraarada caalamiga ah.

Dalalkaasi ayaa sheegay rabitaankooda ku aadan inay ka baxdo Isreal dhulka Falastiin iyo dhamaan dhulalka carabta ah ee ay dagaalada ku qabsatay, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa xili uu dhawaan wargeys laga leeyahay Isreal oo lagu magacaabo Israel Hayom, uu baahiyay in Saraakiil derajadoodu sarreyso oo ka tirsan dowladaha Sacuudiga, Masar, iyo wadamo kale oo gacanka ku yaalla ay dhiggooda Israel u ballan-qaadeen in aysan qorshaha ugu jirin inay talaabo ka qaadaan qorshaha ay Israel ku goosaneyso dhulka reer Falastiin.

Wargeyska ayaa sidoo kale weriyey in dowladahaasi ay Isreal ugu jawaabi doonaan cambaareyn afka oo keliya, isla markaana aysan talaabo cad ka qaadi doonin qorshaha Isreal.