Nin hubeysan oo dad kasoo wada jeeda hal qoys ku laayey duleedka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno deegaanka Tabeellaha Sheekh Ibraahim oo dhaca duleedka koonfureed ee Muqdisho, waxa ay sheegayaan in goor dhaw nin hubeysan uu weeraray qoys ka tirsanaa dadka deegaanka.

Ninka oo ku hubeysnaa qori AK47 ah ayaa rasaas aan kala sooc laheyn ku furey reerkaas oo ka koobnaa ku dhawaad 10 qofood, kuwaas oo dhamaantood qaarna dhintay, qaarna dhaawacmay, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Inta la xaqiijiyey afar qofood ayaa ku geeriyootay goobta, halka ugu yaraan shan kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen, waxaana haatan meydadka iyo dhaawacyada dadkaas loo soo qaaday xarunta dhexe ee dembi barista booliska Soomaaliya ee CID-da.

Inkastoo aan xog dhameystiran laga heyn hadana dadka deriska la ah reerkan dhibanaha ah, waxay noo sheegeen in ninka weeraray reerkan uu gabar ka qabay, isla markaana uu jiray hinaase ama maseyr ku dhaliyey weerarkan.

Wararku waxay intaas ku darayaan in ninka geystay falkaas uu ka tirsanyahay ciidamada booliska Soomaaliya, isla markaana uu ka baxsaday goobtii uu falku ka dhacay.

Wixii kasoo kordha kala soco Caasimada Online.