DF Somalia oo sharci-darro ku tilmaamtay guddiyada ay xalay magacaabeen Puntland iyo Jubaland

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa war kasoo saartay magacaabista guddiyada doorashooyinka ee ay sameeyen madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland, kadib waan-waan ay beesha caalamka ka dhex sameysay dhinacyada isku haya doorashada.

War-saxaafadeed goordhoweyd kasoo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisinta Soomaaliya, oo ku saxiixnaa wasiir Mukhtaar Afrax, ayaa lagu sheegay in ra’iisal wasaaraha iyo wasaaradda arrimaha gudaha aysan mid soo gaarin magacaabista guddiyada dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ee maamulaya doorashooyinka heer dowlad goboleed.

Sidoo kale waxa war-saxaafadeedka lagu sheegay inuusan sax aheyn hanaanka ay maamulada Puntland iyo Jubbaland ku magacaabeen guddiyadii doorashooyinka.

“Heshiiskii dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ay ku gaareen magaalada Muqdisho 17-kii Sep 2020 oo ay meel-mariyeen golaha shacabka iyo habraacyadii ku lifaaqnaa ee sida wada-jirka ah loo saxiixay 1-dii Oct, 2020 waxay qeexayeen hanaanka lagu magacaabayo guddiayda Heer-Federaal iyo Heer dowlad goboleed,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisinta waxay mar kale ku celinaysaa in guddiyada ay shaaciyeen Madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ay yihiin kuwo baalmarsan hanaanka sharciga ah ee loo maro magacaabista guddiyada.”

Arrintan ayaa imaneysa xili ay madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland ay bogagooda ku shaaciyeen magacaabista xubnaha guddiyada doorashooyinka, xili ay xiisada hanaanka doorashooyinka ay ka taagan tahay dalka.

Labada maamul goboleed ayaa sidoo kale ku baaqay wada-hadal ka hor inta aysan dhamaan bishan, kamana hadal arrintaas dowladda federaalka, marka laga reebo inay ku gacan seyrtay guddiga ay magacaabeen labada madaxweyne.

Si kastaba, arrintan ayaa markale walaac laga muujinaya inay sii fogeyso labada maamul goboleed ee kusoo dabcay waan-waanta beesha caalamka, oo iyagu ka dambeeyey magacaabista cago jiidka ah ee ay sameeyen.

Hoos ka aqriso warqadda wasiir Mukhtaar