KENYA oo war cusub kasoo saartay xiisadda Soomaaliya

Nairobi (Caasimada Online) – Afhayeenka dowladda Kenya, Cyrus Oguna oo maanta shir jar’aaid ku qabtay Nairobi ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dagaalkii dhowaan ka dhacay degmada Beledxaawo iyo xiisadda xoogan ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Oguna ayaa shaaciyey in dagaallada soo noq-noqday ee ka dhacay xadka labada dal ay u dhexeeyaan ciidanka Soomaaliya, islamarkaana aysan shaqo ku laheyn kuwa Kenya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dagaalladaas ay ragagax weyn ku reebeen shacabka Mandera, sidoo kalena ay ku barakaceen dad kale oo rayid ah oo degan gobolka Gedo.

“Iska horimaadyada soo noqnoqday ee u dhexeeya ciidamada Soomaaliya, kaliya ma ahan inay cabsi iyo argagax ku abuuraan dadkeenna Mandheera laakiin sidoo kale waxay horseedeysaa in dadka rayidka ah ay ka barakacaan gobolka Gedo,” ayuu yiri Mr Oguna.

Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa dhinaca kale dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay ka waan-towdo eedeynta ka dhanka ah Kenya ee ku aadan arrimaha faro-gelinta.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan xiisada labada dal ay tahay mid aad u kacsan, sidoo kalena IGAD ay waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeymaha Soomaaliya.