DF Soomaaliya oo dalab u gudbisay dowladda QATAR

Doha (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaaq Maxamuud oo maalmihii u dambeeyay booqasho ku jooga dalka Qatar ayaa la kulmay Wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda Qatar, Suldaan Bin Sacad, oo uu u gudbiyey dalab la xiriira taageerada dalka.

Kulanka ayaa looga hadlay sii xoojinta xiriirka labada dal iyo taageerada dowladda Qatar ay siiso dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

Labada mas’uul ayaa isla qaatay muhiimada ay leedahay in si taxadar leh looga gudbo xaalada ay wajaheyso Soomaaliya, xili la filayo in dhawaan ay dalka ka dhacaan doorashooyinkii muddo dhaafay.

Wasiirka ayaa Suldaan Bin Sacad ka dalbaday in dowladda Qatar ay kordhiso taageerada ay siiso dowladda federaalka, taasi oo uu ku sababeeyay in xiligan Soomaaliya ay mareyso xaalad xasaasi ah, islamarkaana ay wajaheyso dhibaatooyin kala duwan.

Kulankaan ayaa qeyb ka ah kulamo uu Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya uu si gooni-gooni ah ula qaadanayey qaar kamid ah wasiiradda arimaha dibadda ee dalalka Carbta, kuwaasi oo diirada lagu saarayey xaalada Soomaaliya.

Si kastaba, Dowladda Qatar ayaa kamid ah dowladaha taageerada ballaadhan siiya dowladda federaalka Soomaaliya, ayada oo dhowr jeer lala xiriiriyey inay saaxiib dhow la tahay madaxweynaha waqti xileedkiisa uu dhamaaday iyo Agaasimaha NISA.