Qodob ka mid ah heshiiskii doorashooyinka ee xiisadda GEDO oo maanta la fuliyey

Garbahaarey (Caasimada Online) – Wafdi saraakiil ah oo ka socda taliska ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, isla-markaana ka howl-gala Soomaaliya  ayaa maanta gaaray magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, halkaasi is weyn loogu soo dhoweeyey.

Saraakiishan ayaa waxaa Garbahaarey si weyn ugu soo soo dhoweeyey mas’uuliyiinta maamulka degmada, kan gobolka iyo sidoo kale taliyeyaasha ciidamada.

Wafdigan saraakiisha ah ee ka midka ah AMISOM ayaa isugu jira saraakiil ka kala socota dalalka Ugandha, Kenya, Seirra Leone iyo Nigeria, waxayna kormeeri doonaan goobaha loo diyaariyay inay ka dhacdo doorashada, si loo geeyo ciidamo ka tirsan booliska AMISOM.

Sidoo kale waxay kulamo kala duwan la qaadan doonaan maamulka gobolka Gedo iyo qeybaha kala duwan ee bulashada, iyaga oo kala hadli doono amniga doorashooyinka.

Arrintan ayaa qeyb ka aheyd heshiiskii doorashooyinka ee lagu gaaray magaalada Muqdisho, waxaana amniga doorashada ka dhaceysa Gedo sugaya AMISOM.

Socdaalka saraakiishan ka socota howl-galka AMISOM ayaa kusoo aadayo, xilli shalay gudaha magaalada Kismaayo ay gaareen xubno ka socda beesha caalamka, kuwaas oo hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe kala hadlay arrimaha doorashooyinka 2021.

Si kastaba dowlad goboleedyada ayaa la filayaa inay guda galaan doorashada xildhibaanada labada aqal, maadaama heshiis rasmi ah lagu gaaray Muqdisho.

Doorashooyinka Soomaaliya ayaa dib uga dhacay waqtigii loo asteeyey, kadib khilaaf siyaasadeed oo soo kala dhex-galay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.